Waxaan hore u soo tilmaaney in nidaam-Siyaasdeedka Beesha Ciise ku dhisan yahay saddex awoodood oo kala ah :
- Ugaaska- Gandaha iyo Gudiga,waxaan ka soo hadalney Ugaaska .
Qaybtii 2aad ee awoodaha aan soo sheegnayna waa tan :
" Gande" —waa Gole Dastuuri ah marka loo eego erey bixinta siyaasadeed iyo ta bulsho ee casrigan.
Waa awoodda labaad ee qaab-dhismeedka nidaam-dhaqameedka beesha Ciise.
Waxay matalaan bulshada xagga arrimaha nabadda iyo amniga, waxayna u xil saaran yihiin Hagitaanka arrimaha beesha xasilintooda , ilaalinta sharciga iyo midnimadooda.
Waa gole awood u leh ka qaybgalka hagida siyaasadaha iyo tilmaamaha guud.
Sida uu u weyn yahay culeyska iyo mas'uuliyadda saaran, golahani waxa uu ku leeyahay bulshada mudnaan iyo maqaam sare oo lagu tix galiyo.
Sifooyinka iyo astaamaha xubnaha Gandaha:
- Tirada golahani waxa uu ka kooban yahay 44 xubnood.
- Muuqaalka iyo dharka : waxay ku labistaan dhar cadaan midabkiisu yahay, da' dooduna way isku dhowdahay .
Astaanta lagu garto : waxay qaataan jeedal tilmaan u ah awooddooda, taas oo ay kaga duwan yihiin xubnaha kale ee bulshada oo caadi ahaan garabka ku sidata ulo.
-Goobta ay degaan : Waxa saldhig u ah goob istiraatiiji ah oo baad iyo biyoba leh.
Dhanka Cibaadada iyo diinta marka lagu daro shaqadooda siyaasadeed iyo sharciyeed, maalin walba waxa akhriyaan ducooyin waqtiga waaberiga iyo cedceed-dhaca, iyagoo Eebbe ka baryaya inuu ka fogeeyo musiibooyinka, iyo inuu samada roob ka soo daayo, noloshana barwaaqo ka dhigo.
Shuruudaha xubinnimada "Gandaha"
Si xubin looga noqdo golahan waxa laga rabaa qofka gandaha noqonaya in uu buuxiyo shuruudahan:
-Xubinnimadu waxay ku xiran tahay shuruudo iyada oo la tix galinayo isku dheelitirka aqalada ciise, Lana eegayo daacadnimada akhlaaqda iyo dhaqaalaha waana sidan :
Xubnaha Gandaha waxaa loo qaybiyaa reeraha Ciise tiro ahaan iyadoo la tixgelinayo laba reer oo gaar ah, waana Reerka Wardiiqa ee Ugaasku ka dhashay iyo Ceeleeye oo Curad ah .
Reerka Wardiiq waxa golahan u fadhiya 8 xubnood.
Sida oo kale Reerka Ceyliye waa 8 xubnood.
Reeraha kale ee Ciise waa 7 xubnood midkiiba(Hawle-qaade,Holle,Hooroone iyo Uurwayne)
2. Shuruudaha shakhsiyadeed iyo akhlaaqda xubinta gandaha noqonaya.
In uu caan ku ahaado caddaalada, dabeecadiisuna wanaagsan tahay.
Waa in uuna lahayn taariikh dembiyeed hore.
Si uu ugu madax banaanaado go'aanada la gaadhayo waa in uu haysto hanti ku filan oo uu noloshiisa ku maareeyo.
Dr Aden Cismaan Dharaar

0 faallo
5 daawasho
Faallooyinka
Wali faallo ma jiraan.