Nidaamka siyaasadeed ee dhaqanka beesha Ciise wuxuu ku dhisan yahay saddex awoodood oo waaweyn :
1. Ugaaska
2. Gandaha
3. Gudidda
1- Ugaaska
Ugaas waa magaca ay Beesha Ciise u doorato cida matasha madax-bannaanideedda, hoggaankeeda iyo sharafteeda . Ugaasku waa shakhsiga ugu sarreeya bulshada Ciise, waana astaanta madax-bannaanida, sharciga iyo dhaqanka soo jireenka ah.
Waxana uu fuliyaa hawlihiisa isaga oo adeegsanaya guddiyo iyo hay’ado dhaqameed oo hoos yimaada nidaam dimuqraadi ah, kaas oo dhammaan beelaha Ciise ay uga qayb qaataan go’aan qaadashada iyaga oo u maraya wakiilladooda. Sidoo kale, Ugaasku wuxuu guddoomiyaa shirarka hay’adahaas.
Dhaqan ahaan, Ugaaska waxaa laga soo xulaa mid ka mid ah beelaha Ciise, gaar ahaan beesha Wardiiq, faraca Wakhti-shiil.. waxana laga dhex doortaa toddoba musharrax . Doorashadiisa waxa fuliya gole ka kooban 144 oday oo matala dhammaan 12 aqal ee Ciise.
Sida caadada u aha beesha Marka Ugaas cusub la doorto, waxa tababarkiisa iyo barbaarintiisa heegan u ah koox odayaal ah oo ku xeel dheer xeerarka dhaqanka . Wuxuuna ka qaataa cilmiga maamulka xeerarka , dhaqanka, garsoorka iyo hababka wada- noolaanshaha bulshooyinka deriska.
Tababarkiisuna waxa uu socda ilaa uu ka gaarayo afartan jir.
Waxaa xusid mudan in xilka Ugaaska beesha Ciise aanu ku salaysnayn dhaxaltooyo ee uu yahay mid bulshadu ku soo xulato qaab u gaar ah oo loo adeegsanayo shuruudo gaar ah. Sidoo kalena waa laga qaadi karaa xilka haddii uu gudan waayo waajibaadkiisa ama ay dhaawacanto sharfatiisu .
Qaabkan doorashada iyo casilidu waa mid ah qaababkii ugu horreeyay ee dimuqraadiyadaha Afrika, wakhti ayna jirin geeska Afrika
Shuruudaha lagu doorto Ugaaska :
1. Waa in ay dhaleen laba waalid oo ciisa ah, noqdana qabiilka wardiiq wakhti-shiil xassan. .
2. Waa in da’diisu u dhexayso 14 ilaa 18 sano.
3. Waa in ayna hoyadii guur hore soo marin.
4. Waa in uu ka soo jeedo qoys lagu yaqaan cibaado iyo akhlaaq wanaagsan.
5. Waa inuu jir ahaan iyo maan ahaanba caafimaad qabo.
6. Waa in uu leeyahay akhlaaq sare iyo sumcad wanaagsan.
7 . Waa. inuu dhasho Khamiis ama Isniin.
8. Waa in la soo xulo maalmaha cadadda ee bisha.
Marka laga soo bilaabo Ugaaskii ugu horreeyay oo ahaa Ugaas Ibraahim Makahiil, waxaa xilka soo qabtay sagaal iyo toban Ugaas. Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim, waa kii 19aad , kaas oo la soo xulay 3-dii Sebteembar 2009 isaga oo17 jir ah , waxaana lagu caleemo saaray magaalada Saylac.
Qore : Dr Aaden Cismaan Dharaar

0 faallo
24 daawasho
Faallooyinka
Wali faallo ma jiraan.